783 Views

Gudoomiyaha G.Hiiraan iyo Gudiga Fatahaada Balaweyne Oo Kormeeray Kaliga Waraabole.

Gudoomiyaha G.Hiiraan iyo Gudiga Fatahaada Balaweyne Oo Kormeeray Kaliga Waraabole.
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan iyo Masuuliyeen ka socda maamulka degmada Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo Gudoomiyaha Gudiga Fatahaada Baladweyne Xaaji Cisman dhagaxoow Haarun ayaa Manta Kormeeray Kaliga Waraaboole oo ay ka socdaan howlo lagu yareeynayo fatahaada wabiga shabeelle.

Masuuliyeentan ayaa kormeeray dhamaan Goobaha shaqada laga wado oo ay ka shaqeeynayaan Baalayaasha iyadoona dhulka laga shaqeeynayo ay tahay 20miter oo dhirir ah iyo 1.5 mitir oo kaliga hoos loogu qodayo sida uu sheegay gudiga fatahaada Baladweyne.

Gudoomiyaha Gudiga Fatahaada Baladweyne Xaaji Cisman dhagaxoow Haarun ayaa sheegay in ay marayaan Meel gabo gabo ay shaqada kaliga waraaboolle, waxaana uu sheegaay in ay qabteen dadaal badan oo lagu yareeynayo khasaaraha fatahaada Baladweyne.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan ayaa bogaadiyey shaqada ka socoto Kaliga waraaboole oo ay wadaan Gudiga fatahaada Baladweyne waxaana uu tilmaamay Gudoomiye Jeeyte in wax la taaban karo ay qabteen gudiga fatahaada Baladweyne

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post