2688 Views

Dawladda Soomaaliya ayaa Hal Milyan oo Doolar ugu Deegday Deegaannada Fatahaadaha iyo Duufaantu saameeyeen ee Goballada Waqooyi

Dawladda Soomaaliya ayaa Hal Milyan oo Doolar ugu Deegday Deegaannada Fatahaadaha iyo Duufaantu saameeyeen ee Goballada Waqooyi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 04, 2018 – Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha Guddiga qaran ee Gurmadaka Fatahaadaha, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) ay ugu deeqday deegaannada fatahaaduhu saameeyeen ee golalada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ay wehliyeen wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir kuxigeenka Dastuurka, Dr Hussein Abdi Elmi iyo xubna ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatooyinka jira isaga oo codsaday in Shacbiga Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan u gurmadashada dadka walaalahood ah ee dhibaatadu gaartay.

“Hal milyan oo doolar oo gargaar ah ayaa Dawladdu ugu deeqday deegaannada goballada Waqooyi ee fatahaadaha iyo duufaantu saameeyeen”, ayuu yiri Ra’iisuwasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaaduhu ay meel wanaagsan marsiinayaan dadaallada loogu gurmanayo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda Wabiyada iyo Roobabka.

dowlada-1milyan-fatahaada-1 dowlada-1milyan-fatahaada-4 dowlada-1milyan-fatahaada-2 dowlada-1milyan-fatahaada-3

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment