5133 Views

RW Kheyre oo kormeeray arday u fadhiisatay imtixaanka ogolaanshiyaha ee Jaamacadda Ummadda

RW Kheyre oo kormeeray arday u fadhiisatay imtixaanka ogolaanshiyaha ee Jaamacadda Ummadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 August 2017 – 2,400 ardey oo dhamaysatay dugsiyada sare ee dalka ayaa maanta  u fadhiistey Imxitaanka ogolaanshiyaha ee Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed si ay uga mid noqdaan 1,000 arday oo ay Jaamacaddu qaadanaayso sanadkaan,  si ay ugu biraan arday badan oo Jamacadda  ku dhigta  lacag la’an oo ay dowladdu bixiso  qarashaadka ku baxaya waxbarashadooda.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan  Golaha Wasiirada ayaa kormeer Indha indheyn ah  waxa ay ugu tageen Ardayda ku jirtay Imtixaanka ay ugu gudbayaan Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa mid mid Ardayda ugu dhiiri geliyey   isagoo u rajeeyeynayey in  ku guleystaan imtixaanka, halka uu hubinayey in Imtixanka ay ardeydu galaysay in uu yahay mid isku mid iyo in uu yahay mid ka turjumaya maadooyinkii  ay ku soo barteen dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxamaan Daahir Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa xusay in  2,400 ay maanta u fadhsiteen imtixaanka  Jamacadda  ay ugu soo birayaan.

Qaar ka mid ah ardayda  maanta u fadhiisatay imtixaanka sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay galayaan imtixaanka lagu ogaanayo heerkooda aqoonta si ay qeyb uga noqdaan ardayda Jaamacadda wax ka barata.

Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed  aya ah  Jaamacadda kaliya oo ay leedahay dowladda Soomaaliya, isla markaana si lacag la’aan ah ay wax ugu bartaan Ardayda Soomaaliyeed

a1 a2 a3 a4 a5 a6

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment