1266 Views

Wasiir Fiqi “ Waxaa la joogaa Xiligii farmaajo uu ka hadli lahaa Wilasha ku maqan Eritrea Nolol iyo geeri

Wasiir Fiqi “ Waxaa la joogaa Xiligii farmaajo uu ka hadli lahaa Wilasha ku maqan Eritrea Nolol iyo geeri
____________________________________________________________________________

June 11 2021

Waxaa magaalada Muqdisho manta mar kale ka dhacay banaanbax lagu baado goobayo dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 2000 oo loo qaaday laba sano ka hor Dalka Eritrea oo la sheegay in lagu soo tababarayo.

Waxa arintaas ka hadlay Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo sheegayu  banaanbax ballaaran  ka dhacay magaalada Muqdisho, lagu doonayo in Nolol ama Geeri lagu sheegaa Wilasha ku maqan Eritrea dibna loogu soo Celiyaa dalkoodii hooyo.

Dibad-baxa manta dhyacay  oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa dhigay waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashaasi iyo dadweyne kale, wuxuuna ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwo kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritrea loo qaaday aaway? “inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo,” iyo erayo kale.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay madaxda dowladda si geesinimo leh usoo hor istaagi lahaayeen waalidiintaas, islamarkaana ay ka run sheegi lahaayeen xogta rasmiga ah ee dhalinyaradii ay u qaadeen Eritrea.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post