771 Views

SOMA oo tababar ku so Gabagabeysay Jowhar iyo Maamulka Gobolka oo ka qeyb galay

SOMA oo tababar ku so Gabagabeysay Jowhar iyo Maamulka Gobolka oo ka qeyb galay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2021—Maanta waxaa inoo soo idlaaday tababarka mudada afarta maalin magaalada Jowahr, uga socday 20-ka mid ah saxafiyiinta ka howlgala deegaanada Hirshabelle,

Tababarka oo ay soo qabab qaabisay dalada warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, oo taageero ka helayo IMS iyo FOJO, ayaa ku saabsanaa tabinta doorashooyinka iyo bedqabka wariyaha.

Gabagabada tababarka waxaa nagala soo qeyb galay gudoomiyaha gobalka shabeelaha dhexe Axmed Meyre Makaraan gudoomiyaha degmada Jowhar, iyo wasiiru-dowlaha wasaarada warfaafinta Hir-shabelle

Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Gobolka Shabeellaha Dhaxe ibraahin Cali nuur ayaa u mahad celiyay Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA sida ay ugu faa ideysay 20 suxufi

Gudoomiyaha SOMA Maxamed Cismaan Makaran ayaa u rajeeyay suxufiyiintii ka faaideystay tababarka afarta maalin uga socday Jowhar,Makaraan ayaa si weyn ugu mahadcelliyay Hayadaha IMS Iyo FOJO oo tababarkan ka taageerayay.

Wasiir dowlaha Wasaarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Axmed Kolonbo oo ka hadlay munaasabada ayaa Dalada SOMA ku tilmaayay mid wax weyn ka qabatay dhinaca tababara wariyayaasha Ka howlgalo Hir shabelle.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhaxe Axmed Meyre Makaraan ayaa dhinaciida so dhawaeyay Tababarka loo qabtay Suxufiyiinta Gobolka Sh/dhaxe waxana uu amaan iyo bogaadi u jeediyay SOMA iyo Hayadaha ka taageeray in Tababar noocaan ah loo  qabto wariyayaasha ka howlgalo deegaanda Hir-shabelle

Saxafiyiinta tababarka ka qeyb galay ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin ku saabsan daruustii ay barteen afarta maalin.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post