1314 Views

Dad ku dhintay Shil Maanta ka dhacay Turkiga

Dad ku dhintay Shil Maanta ka dhacay Turkiga
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 08, 2021 —Ugu yaraan 14 qof ayaa ku geeriyootay, 18 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Bas maanta ku qalibmay meel ku dhow Caasimadda Gobalka Balikesir ee Waqooyi Galbeed ee dalkaasi Turkiga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu Dareewalku xakamayn kari waayey Baska, xilli uu marayey Wadada Weyn (Highway)-ga ee Balikesir, wuxuuna Baska ku sii jeeday magaalladda Edremit ee Galbeedka Gobalkaasi.

11-qof ayaa la sheegay inay isla goobta ku geeriyootay, halka 3 kalena ku dhinteen Isbitaalka,  iyadoo 18 qof oo uu soo gaaray  dhaawacyo kala duwan la dhigay 5 Isbitaal oo ku yaalla Gobalka ay Mashaqada ka dhacday.

Baaritaano ayaa socda oo lagu ogaanayo waxa sababay Shilkaasi, waana shilkii labaad ee dhaca labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Shalay ayey ahayd, markii ay 9 qof ku geeriyootay, 30 kalena ku dhaawacmeen Shil Bs oo ka dhacay Gobalka Manisa ee Galbeedka dalkaasi.

Shilalka Waddooyinka ee Turkiga ka dhaca waxay sanad kasta gallaaftaan boqolaal qof, iyadoo la diiwaan geliyey inay 4,866 qof ay ku geeriyoodeen, halka ay 226,266 kalena ku dhaawacmeen shilalkii ka dhacay dalkaasi sanadkii hore, sida lagu xusay Tiro-koobka Machadka Istaatistikada ee Turkiga (the Turkish Statistical Institute (TurkStat).

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post