1071 Views

Taliyaha Booliska Aqalka Congaress ka Mareykanka oo iscasilay kadib weerarkii tagerayasha Trum

Taliyaha Booliska Aqalka Congaress ka Mareykanka oo iscasilay kadib weerarkii tagerayasha Trum
____________________________________________________________________________

Jimco Jan 8, 2021

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay inuu iska casilay Taliyihii Booliska Aqalka Congaresska Mareykanka wixii ka dambeyay kumanaanka Taagerayasha Trump oo xoog ku galay aqalkaasi.

16ka Janaayo ayaa la filayaa inu si rasmi ah uu xilkaasi u wareejiyo.

Rabshadihii kadhacay Mareykanka waxa ku geeriyooday ilaa 4 qof oo haween ay ku jiraan.

Ugu yaraan 14 ka tirsan booliiska ayaa sidoo kale la sheegay inay dhaawacmeen. Labo ka mid ah ayaa isbitaalka loola cararay, midkood ayaa dhaawac culus qabay kaddib markii ay dibadbaxayaasha dhulka ku jiideen.

Taageerayaasha rabshadaha wata ee madaxweyne Donald Trump ayaa jabiyay xarunta loo yaqaan ‘Capitol’ ee magaalada Washington, iyadoo xildhibaanada ay kulmeen si ay u xaqiijiyaan in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu ku guuleystay doorashada.

Muuqaallada qaar ayaa muujinayay banaanbaxayaasha oo isugu soo xoomay dhismaha iyadoo xubnaha Congress-ka ay la cararayaan booliska.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post