1665 Views

Madaxda Barcelona oo Rajo ka qaba in ay soo iibsadaan Christian Ronaldo Xili uu u cayaaro Messi

Madaxda  Barcelona oo Rajo ka qaba in ay soo iibsadaan  Christian Ronaldo Xili uu u cayaaro Messi
____________________________________________________________________________

Talaado: June 22 2021

Madaxa kooda Barcelona, Joan Laporta, ayey riyadiisa u dhaw dahay iney run noqoto, taasoo ah in Messi iyo Christian Ronaldo isugu keeno kooxdani, isagoo u gudbisay dalabkiisa iibsashada Ronaldo kooxda Juventus.

Ciyaaryahankan Weerarka ka ciyaara ee reer Burtaqiis Ronaldo, ayaa haatan waxey tahay dadiisa 36 sano jir.

Manchester City, ayaa diyaar u ah inuu kusoo biiro kooxdooda weerar yahanka reer Brazil Gabriel Jesus, oo 24 sano jir ah, iyo ciyaaryahanka reer Ingiriis ee Raheem Sterling, oo dadiisu tahay 26 sano jir.

Kooxda ayaa sidoo kale heshiis la saxiixaneysa Harry Kane, oo 27 sano jir ah, kaasoo uu uggu fadhiyo kooxda Tottenham qiimo gaaraya 150 milyan oo pound.

Kooxda Manchester United ayaa qaadey talaabooyin dheeraad, taasoo ay ku dooneyso iney heshiis kula saxiixato weerar yahanka reer Spanish ee Pau Torres, oo u ciyaara kooxda Villareal. Rafael Benitez ayaa lagu wadaa inuu ku biiro kooxda Everton, ka gadaal markii wada hadalo dheeraad ah uu la yeeshay kooxda toddobaadkii tagey, inkastoo taageerayaasha ay kasoo horjeedaan magacaabidda madaxii hore ee kooxda Liverpool.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post