1440 Views

“ Haddii oksijiin la waayo, dad badan ayaa dhimanaya sida kalluunku uu u dhinto marka biyaha laga soo saaro

“ Haddii oksijiin la waayo, dad badan ayaa dhimanaya sida kalluunku uu u dhinto marka biyaha laga soo saaro
____________________________________________________________________________

April 23-2021

Dad badan ayaa dhintay intii ay sugayeen in oksijiin lala soo gaaro, halka in ka badan 99% ay buuxsameen sariiraha daryeelka xaaladaha deg deggga ah.

Hindiya ayaa la daalaadhacaysa mowjad labaad oo caabuqa Covid-19 ah, waxaana talaadadii la diiwaan geliyey rikoorkii ugu badnaa ee kiisas cusub ah caalamka oo idil.

Dalkaas ayaa diiwaan geliyey ku dhawaad 16 milyan oo caabuqyo la xaqiijiyey ah.

24 kii saac ee ugu dambeeyey waxaa dalkaas laga diiwaan geliyey 314,835 oo kiisas cusub ah, halka dhimashadana ay sare ugu kacday 2,104.

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in masuuliyiinta gobolkaas ay joojinayaa haamaha oksijiinta ee loo gudbiyo gobollada kale, sida uu sheegay TV-ga gobolka Delhi ee NDTV.

Siyaasi reer Hindiya ah oo la yiraahdo, Saurabh Bharadwaj, oo Covid looga dawaynayey cisbitaal ku yaal magaalada Delhi ayaa bartiisa twitter-ka ku daabacay qoraal uu ku codsanyo in la caawiyo Hindiya, asagoo sheegay in saddax saacadood oo kaliya ay ka harsan tahay in oksijiintu ay ka dhammaato cisbitaalka uu jiifo.

“Dad badan ayaa ku tiirsan oksijiinta, haddii oksijiin la waayahana dadkaasi way dhimanayaan sida uu u dhinto kalluunku marka biyaha laga soo saaro,” ayuu yiri. “Waxaa la joogaa waqtigii ay dadku gacmaha is qabsan la haayeen”.

Saxafiga BBC-da uga soo warrama Hindiya ayaa sheegay in Delhi ay ahayd meesha ugu fiican ee laga helo daryeelka caafimaadka, balse waxaa jilbaha ku laabay mawjaddaan cusub ee Covid-19.

“Waxaan ka baqayaa in aan baahi u dhinto corona feyrus kahor”

Dowladda Hindiya ayaa gebi ahaanba bandow habeen iyo maalin kusoo rogtay guud ahaan dalkaas, si loo yareeyo faafidda xanuunka corona.

Hindiya oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 1.3 bilyan oo qof ayaa dowladda waxay ku amartay in ay guryahooda ku nagaadaan, waxaana la xiray dhammaan goobaha ganacsiga, waxbarashada, cibaadada, garoomada iyo xafiisyada dowladda.

Arrintan waxaa ay aad u saameysay dad badan oo fuqaro ah, kuwaas oo ku noolaa hadba waxa ay shgaqeystaan maalintaas.

Ganacsatada yaryar iyo dadka garab-raratada ah ayaa sheegay in aysan heysanin wax ay ku noolaadaan, maadaama waxa ay maalintii quutaan ay ka helin jireen shaqooyiinka ay markaas qabtaan.

Ramesh Kumar, oo ah muwaadin u dhashay Hindiya ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay ku noolaayeen waxa uu maalintaas soo shaqeeyo, haatanna aysan jirin meel uu ka shaqeeyo, maadaam meelwalba la xiray.

“Waxaan maalintii heli jiray sideed doollar, qoyskeygana wuxuu ka kooban yahay shan qof oo aan aniga u shaqeeyo, waan ogahay khatarta fayraska corona balse ma daawan karo caruurteyda oo baahan,” ayuu yiri Ramesh.

Sidoo kale Maxamed Sabir, oo ah ganacsade leh dukaan yar oo lagu iibiyo caana-garoor oo ku yaala caasimadda Delhi, ayaa sheegay in dhawaan uu shaqaaleysiiyay laba qof, si uu uga faa’ideysto xilliyada xagaaga oo uu dhaqaale fiican u sameeyo.

“Hadda wax mushaar ah ma siin karo oo lacag uma hayo, qoyskeena waxaa ay dhaqaale ka heli jireen beeraha iyo dalagyada, balse dalagyadii way halaabeen sannadkan, waxayna iga sugayaan in aan aniga masruufo, waxaan dareemayaa in aysan jirin cid i caawineysa, waxaana ka cabsi qabaa in corona kahor an baahi u dhimano,” ayuu yiri Maxamed.

Malaayiin xoogsata ah oo ku nool dalka Hindiya ayay xaaladda ku xumaatay, kadib markii ra’iisul wasaraaha dalkaas, Narendra Modi uu talaadadii ku dawaaqay bandow habeen iyo maalin ah, waxaana dalkaas laga soo sheegay 500 oo kiis oo xanuunka corona, halka 10 qofna ay u dhinteen.

Dad badan ayaa sheegay in aysan heysanin wax ay cunaan, maadaama aysan jirin meel ay ka shaqeystaan oo xaaladda wadanka ay isbadeshay.

Dowladda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Narendra Modi iyo barasaabyada gobolo badan oo ku yaala dalkaas ayaa ballanqadaay in taageero dhaqaale siin doonaan dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay nolosha sii wataan inta lagu guda jiro marxaladdan.

Hey’adda shaqalaaha adduunka ee ILO ayaa sheegtay in boqolkiiba 90 dadka ka shaqeeya Hindiya ay yihiin kuwa ka shaqeysta shaqooyin hoose.

Intooda badan dadkaas ayay hey’addu sheegtay in aysan laheyn xuquuq sida lacagta la siiyo dadka hawlgabka ah, fasaxyada qofka marka uu xanuunsado iyo ceymis.

Cudurka Coronavirus wuxuu weli fara ba,an ku hayaa 5-ta qaradood ee caalamka.

Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay fayraska Corona in uu yahay mid halis ku ah aadanaha, islamarkana ay tahay in bina’adamku dhammaan ay la dagaalamaan.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post