354 Views

Dalka Britian oo yeelaneysa Ra’iisal wasaarihii saddexaad, muddo sannad gudihii

Dalka Britian  oo yeelaneysa Ra’iisal wasaarihii saddexaad, muddo sannad gudihii
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 24, 2022

Dalka Britian ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya Ra’iisal wasaarihii saddexaad muddo sannad gudihiis ah.

Xilka Ra’iisal wasaaraha waxaa ku tartami doona wasiirkii hore ee Maaliyadda Rishi Sunak iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose Penny Mordaunt.

Ra’iisul wasaarihii hore Boris Johnson oo markii hore damac ka galay kursiga ayaa xalay ku dhawaaqay inuu tartanka ka hadhay.

Mr. Sunak ayaa loo saadaalinayaa inuu kusoo bixi doono xilka Ra’iisul wasaaraha.

Rishi Sunak asalkiisu waa Hindi, waxaana sodog u ah ninka Hindiya ugu maal qabeensan, laftiisu hal bilyan oo dollar hanti ku dhaw ayuu leeyahay.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post