1446 Views

Wasiirka Beyle oo la kulmay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Beyle oo la kulmay  Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 8, 2021

Wasiirka maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa  maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirk UK ee Soomaaliya Kiin Foster, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta wadashaqeynta labada Dowladood.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan dib u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta dhaw ee ka dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo boqortooyada UK.

“Waxaan yeelanay wadahadallo miro dhal ah oo ku saabsan dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa kaloon ka wada hadalnay caqabadaha haray iyo dariiqa loo marayo, ayuu yiri Wasiirka Beyle.”

Dhankeedka Safiirka boqortooyada UK ee Soomaaliya Kiin Foster FCDO ayaa Amaantay dadaalka dowladdu ay gelisay hanaanka hufnaanta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa uga mahadceliyay Kiin Foster iyo boqortooyadda UK taageerada dhinac walbo leh oo ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post