966 Views

Joe Biden oo teleefoon kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil si loo joojiyo dagaalka.

Joe Biden  oo teleefoon kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil si loo joojiyo dagaalka.
____________________________________________________________________________

May 16 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa teleefoon kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, wuxuu walaac ka muujiyay xaaladda ka taagan halkaas.

Joe Biden ayaa u sheegay Netanyahu in uu taageerayo tallaabada Israa’iil ee ah inay is difaacdo.

Balse wuxuu Biden walaac ka muujiyay dadka ka dhimanayo labada dhinac xilli uu dagaalka sii socda.

Wuxuu ugu baaqay Israa’iil inay ka shaqeyso sidii loo ilaalin lahaa weriyeyaasha kasoo warrama halkaas.

Dhanka kale, Madaxweyne Biden wuxuu madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas u sheegay inay ka go’antahay sidii Mareykanka uu kusii xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeyo Falastiin.

Sidoo kale Wuxuu ku baaqay in Xamaas ay joojiyaan gantaallada ay ku ridayaan Israa’iil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post