822 Views

War deg deg ah: Saraakiisha badbaado Qaran oo goor dhawayd shir uga furmay Hoyga Guddoomiye Jacfar oo kuyaala isgoyska Dabka

War deg deg ah: Saraakiisha badbaado Qaran oo goor dhawayd shir uga furmay Hoyga Guddoomiye Jacfar oo kuyaala isgoyska Dabka
____________________________________________________________________________


Isniin: December 27, 2021

Wararka ka imaanaya caawa magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu shir uga furmay Degmada H/wadaag , Saraakiisha Badbaado Qaran.

Wararka ayaa sheegaya in Hoyga Guddoomiye Jacfar oo kuyaal meel u dhaw isgoyska Dabka uu  hadda waxaa shir uga socdaa Xildhibaana Mahad Salad, Axmed Macalin Fiqi, xildhiban Husein Iidow, General Indhacade, Gen Tuuryare, General Laba Afle, General Bariise,Cornel Ismail Gurey iyo saraakiil kale oo ka tirsan xoogga dalka.

Sidoo kale Galabta ayay aheed markii ciidammo badan oo ka tirsan Badbaado Qaran ay soo galeen xaafadaha dagmada Howlwadag gaar ahaan Barmuudo iyadoo ilaa isgoyska Sayidka ay joogaan ciidankaas.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post