693 Views

Madaxweyne Deni oo daah-furay Imtixaanaadka Shihaadiga Puntland

Madaxweyne Deni oo daah-furay Imtixaanaadka Shihaadiga Puntland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 4  2020-Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo ardey.

Maamulka waxay xoojisay feejignaanta caafimaad ee ardayda iyadoo maanka lagu hayo xaaladda Covid-19, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaana ka wada shaqeeyay in la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale.

Madaxweynaha ayaa Imtixaanaadka sanadka ku daah-furay Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug.

Ardeyda Imtixaanka loo daah-furay guud ahaan Puntland waa 16,500 oo ardey, 5,447 Ardey oo ka mid ah waa Dugsiga Sare halka 11,053 Ardey ay u fariisanayaan Imtixaanka Fasalka 8-aad.

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo iyo dardaaran la wadaagay ardeyda, isagoo u rajeeyay guul iyo in alle u fududeeyo Imtixaanaadka.

Daah-furka Imtixaanaadka waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Xubnaha Golaha Wasiirada oo ay ugu horeyaan Masuuliyiinta Waxbarashada, Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post