6156 Views

Messi oo 3ley ka dhaliyay kulankii Rayo Vallecano ee Meertada 27aad

Messi oo 3ley ka dhaliyay kulankii Rayo Vallecano ee Meertada 27aad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 4, 2016 – Kooxda mudooyinkaan la loodin la yahay ee Barcelona ayaa sii seeto dheereysatay Hogaanka Horyaalka la ligaha Spain ee 2015-2016 ka dib markii ay kooxda Rayo Vallecano ku dirtay .

.

Bandhiga Goolasha Barcelona waxaa 3 ley ka mida u dhaliyay Xidigooda Messi halka Goolkii furitaanka uu qalinka  ku duugay Xidigooda qadka dhexe ee reer Croatia  Racitic.
.
Ciyaartaan waxaa Rigoore ka cunay qeybtii danbe ee Ciyaarta Kooxda Barcelona weeraryahankooda suwarez daqiiqadii 69.
.
.
Laacibka u dhashay dalka turkiga ugana yimid Barcelona xili ciyaareedkaan Kooxda athletico Madrid Ciyaaryahan Arda Turan ayaa ku soo qatimay goolasha Barcelona kii 5 Daqiiqadii 86 ee dhamaadka ciyaarta.
.
Horyaalka la ligaha Spain 2015-2016 waxa ay kooxda difaacaneysa ee Barcelona ay ku horkaceysaa 69 dhibcood iyadoo kooxda ku soo xigta ee Athletico madrid oo leh 61 ay ka horeeyaan 8 dhibcood ku dhan.
.
Waxaa diyaariyay.
Axmed Maxamed cabdulle’ Uurdoox’

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment