555 Views

Qoor Qoor oo hoggaanka Ahlusunna ku sugan Bohol ka dalbaday in ay sida ugu dhakhsaha badan hubka u soo wareejiyaan.

Qoor Qoor  oo  hoggaanka Ahlusunna ku sugan Bohol  ka dalbaday in ay sida ugu dhakhsaha badan hubka u soo wareejiyaan.
____________________________________________________________________________


Axad: October 31, 2021

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sida la xaqiijiyay hoggaanka Ahlusunna oo ku sugan degaanka Bohol wuxu  ka dalbaday in ay sida ugu dhakhsaha badan hubka u soo wareejiyaan.

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo ka wada magaalada Guriceel ayaa la sheegay in uu Odayaasha dhaqanka farriin ugu dhiibay hoggaanka Ahlusunna si ay isu soo dhiibaan.

Axmed Qoor Qoor ayaa Odayaasha farriinta uu Odayaasha u faray Ahlusunna wuxu kaga dalbaday in ay hubka ku wareejiyaan ciidamada dowladda Federaalka iyo Galmudug islamarkaana isa soo dhiibaan.

Wararku waxay sheegayaan in hoggaanka Ahlusunna ka dhega-adaygay dalabka Qoor Qoor ee ku saabsan in ay hubka dowladda ku wareejiyaan si looga baaqsado dagaal kale.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post