873 Views

Madaxweynaha Galmudug oo Saxiixay Shuruuc Muhiim ah

Madaxweynaha Galmudug oo Saxiixay Shuruuc Muhiim ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 31|  2020—Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Galmudug ayaa madaxweynuhu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah:-

Shariga Maarreynta Deegaanka, Sharciga Hay’adaha, Sharciga Dhismaha Booliiska iyo Sharciga Dowalaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo diyaariyey wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga, iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha& Dowlaha hoose.

Munaasabadda saxiixa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka DGM, Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, Xubno ka tirsan labadda gole, Garsoorka, La- taliyeyaal & Hawlwadeenno ka tirsan Madadaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu Golaha Barlamaanka iyo wasiiradda Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoona xusay in shuruucdu ay gundhig u noqondoonto in sifo sharci ah xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post