789 Views

Saddex ruux oo isku qoys ah oo xalay lagu dilay degmada Balanballe ee Gobolla Galgaduud.

Saddex ruux oo isku qoys ah oo xalay  lagu dilay degmada Balanballe ee Gobolla Galgaduud.
____________________________________________________________________________

.

May 26 2021

Saddex ruux oo isku qoys ah ayaa xalay lagu dilay degaanka Garasle oo ka tirsan degmada Balanballe ee Gobolla Galgaduud.

Dabley hubaysan ayaa la sheegay in ay dadkan ku toogteen gurigooda kadibna goobta isaga baxsadeen sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Maydadka saddexda ruux oo ah laba wiil oo walaalo ah iyo gabar ay abti u yihiin ayaa la geeyay isbitaalka degmada Balanballe.

Dhacdadan ayaa lala xiriirinayaa aanooyin qabiil oo horay halkaas uga dhacay sida ay sheegeen dadka degaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post