597 Views

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamanka oo la kulmay C/kariin Muuse Qalbidhagax oo ka mid ah saraakiisha ururka ONLF.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamanka oo  la kulmay C/kariin Muuse Qalbidhagax oo ka mid ah saraakiisha ururka ONLF.
____________________________________________________________________________

Sabti: June 11, 2022

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa la kulmay C/kariin Muuse Qalbidhagax oo ka mid ah saraakiisha ururka ONLF.

Qalbi-dhagax ayaa dhowr sano ka hor DF waxay u gacan gelisay dowlada Itoobiya, waxaana la sii daayey markii uu talada Itoobiya la wareegay RW Abiy Ahmed, waxaana mudooyinkan uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa kulankaasi ka dib baraha bulshada bulshada ku faafiyey qoraal uu kaga hadlay kulankaas oo sidan u qornaa:-

Waxaa maanta gurigayga igu soo booqday Cabdikariim Muuse “Qabi-dhagax” oo ka mid ahaa hogaanka Ururka Gobonimo doonka ah ee ONLF, isla markaana si sharci darro ah Dowladdii hore ugu dhiibtay Dowladda Federaalka Itoobiya balse Xukuumaddii Xil-gaarsiintu ay raali galin ka bixisay arrintaas sharci darrana ku tilmaantay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post