1299 Views

Kenya oo la wareegtay labo xero Qaxooti oo laga saaray Soomaalidii ku jirtay

Kenya oo la wareegtay labo xero Qaxooti oo laga saaray Soomaalidii ku jirtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa Dowladda Kenya ku wareejisay Labo Xero Qaxooti oo ay degganaayeen Soomaali farabadan.

Dadkii degganaa xeryaha Qaxootiga ee kala ahaa Kaami cows iyo Ifo2, ayaa laga bixiyay waxaana intooda badan dib loogu celiyay Soomaaliya.

Halka kuwo kale dib u dejin loogu sameeyay xeryaha kale ee kala ah Xagardheer, Dhagaxleey iyo IFO.

Dadkaaas ayaa ka faa’ideystay dib u celintii ka dhalatay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay tallaabadan oo ay sheegtay in ay jidka u xaareyso xeridda Xerada Dhabaab oo ay ku noolyihiin Soomaali badan.

IFO2 iyo Kaami Cows ayaa la furay abaartii Soomaaliya ku dhufatay sanadkii 2011kii,waxaana halkaas ku qaxay Soomaali badan oo gudaha dalka abaartaas uga cararay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment