654 Views

Madaxweyne Putin oo ku goodiyay in Ruushku uu beegsan doona aag cusub oo aaney horey u gaarin gacanta Ruushka, haddii Mareykanku siiyo Ukraine hubka riddada dheer

Madaxweyne  Putin oo  ku goodiyay in Ruushku uu beegsan doona aag cusub oo aaney horey u gaarin gacanta Ruushka, haddii Mareykanku siiyo Ukraine hubka riddada dheer
____________________________________________________________________________

 Axad June 5, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku goodiyay in Ruushku uu beegsan doona aag cusub oo aaney horey u gaarin gacanta Ruushka,haddii Mareykanku siiyo Ukraine hubka riddada dheer.

Haddii ganttaallo noocaas ah la siiyo, “waxaan garaaci doonaa bartilmaameedyo cusub oo aanna wali taaban,” ayuu yiri Putin oo waraysi siinayay telefeshinka dowladda Ruushka.

Wuxuu intaa ku daray in ujeedka laga leeyahay hubka la siinayo Ukraine, ay tahay in colaaddu dheeraato oo ay waqti badan sii jirto. Puntin ayaa sheegay in tallaabooyinka reer galbeedku ay hubka ku siinayaan Ukraine aaney waxba ka badali doonin hadafka dalkiisu ka leeyahay duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Madaxweyne Putin ma uusan magacaabin bartilmaameedyada Ruushku qorshaynayo inay beegsadaan haddii wadamada reer galbeedku bilaabaan hubka ay siinayaan Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post