300 Views

Siyaasi kasoo jeedo Brazil oo bambo gacmedyo ku tuuray saraakiil boolis ah oo tegay gurigiisa oo ku yaalla Rio de Janeiro si ay usoo xiraan siyaasiga.

Siyaasi kasoo jeedo Brazil oo  bambo gacmedyo ku tuuray saraakiil boolis ah oo tegay gurigiisa oo ku yaalla Rio de Janeiro si ay usoo xiraan siyaasiga.
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 24, 2022

Waxaa la xiray siyaasi kasoo jeedo Brazil kadib uu bamboo gacmedyo ku tuuray saraakiil boolis ah oo tegay gurigiisa oo ku yaalla Rio de Janeiro si ay usoo xiraan siyaasiga.

Roberto Jefferson, oo saaxib ah madaxweyne Jair Bolsonaro ayaa dhaawacay labo kamid ah saraakiisha booliska ka hor inta uusan isa soo dhiibin Axaddii.

Maxkamadda ugu sarreysa Brazil ayaa mar sii horreysay amar ku bixisay in lasoo xiro siyaasiga kadib markii aflagaadeeyay garsooraha maxkamadda.

Siyaasigan ayaa markii hore ku jiray xabsi guri xilli uu u hanjabay garsooraha maxkamadda.

Roberto Jefferson oo 69 jir ah ayaa sidoo kale rasaas ku furay baabuurkii booliska ay wateen.

Maxkamadda sare ayaa waxay sidoo kale amar ku bixisay in lasoo qabto siyaasiga maadama uu jebiyay xeerarka horyaalla qofka ku jira xabsi guri.

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan dalka Brazil ka hor doorashada dhaceysa Axadda nagu soo aadan ee u dhexeysa madaxweyne Bolsanaro iyo madaxa xisbiga garabka bidix Luiz Inácio Lula da Silva.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post