1263 Views

Guddiga Cusub ee doorashooyinka Somaliland oo la dhaariyey

Guddiga Cusub ee doorashooyinka Somaliland oo la dhaariyey
____________________________________________________________________________

Hargeysa | QOL |  November 25, 2019 – Guddoomiyaha maxkamadda sare ee  Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa kudhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaran ee dhawaan la dhisay.

Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka oo dhawaan ay ansixiyeen golahawakiillada Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah, si ay u gudogalaan gudashada shaqooyinka loo igmaday.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biix iCabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxana uu ku adkeeyey inay dhawraan caddaaladda  iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbeee ay kudhaarteen maanta.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa waxaa jiray inay ka soo horjeesteen Xisbiyda mucaaradka Soomaaliland, sida WADDANI iyo UCID, kuwaasoo war diidmo ah shalay soosaaray.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Hargeysa

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment