2082 Views

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada oo kulan layeelatay Dowladaha Deeq bixiyayaasha Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada oo  kulan layeelatay Dowladaha Deeq bixiyayaasha Caafimaadka
____________________________________________________________________________

Khamiis: November 25, 2021

 Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ayaa kulan layeelatay Dowladaha Deeq bixiyayaasha Caafimaadka, shirka ayaa looga wada hadlay qorshaha Wasaaradda Caafimaadka ee sandka 2022 iyadoo dhankalana la isweydaarsaday caqabadaha taagan iyo xog la xiriirta mashariicda ay deeqda ku bixiyaan Dowladaha shirka goobjooga ka ahaa.

Shirka oo ahaa mid isugu jiray kulamo iyo booqasho xarumo caafimaad ayaa ugu dambeyntii lagu soo gabagabeeyey booqasho shaqo oo deeq beexiyayaasha ay kutageen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir.

Xubnaha ayaa ka socday Dowlaldaha kala ah Sweden, FCDO, Qatar Charity, Canada, Switzerland, Finland, World Bank- GFF OIC Soomaaliya, Hay’addaha WHO, UNFPA iyo UNICEF waxaana lagga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga Caafimaad ee Hooyadda iyo Dhallaanka iyo sidii loo xoojin lahaa wadda shaqeynta deeqbixiyaasha iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

By:Mohamed M Hassan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post