627 Views

Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan ​​Xamiid Karzai oo xiriir la sameeyay ururka Daalibaan

Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan ​​Xamiid Karzai oo xiriir la sameeyay ururka Daalibaan
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan ​​Xamiid Karzai ayaa xiriir la sameeyay ururka Daalibaan,si xaaladda dalka loo dajiyo dibna loogu soo celiyo nabadii iyo kala dambeyntii.

Mr Karzai wuxuu ahaa hogaamiyaha Afghanistan intii u dhaxeysay sanadihii 2001-2014.

Wuxuu sheegay in uu ka mid yahay gole ka kooban saddex xubnood oo ka shaqeynaya in awoodda si nabad ah loogu wareejiyo Daalibaan.

Golaha waxaa sidoo kale ku jira hoggaamiyaha xisbiga Hezb -e Islaami, Gulbuddin Hekmatyar – oo ahaa dagaal ooge hore oo siyaasi noqday iyo guddoomiyaha Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Cabdullah Cabdullah.

Wareysi uu BBC-da siiyay, Mr Karzai wuxuu ku sheegay in goluhu uu xiriir la sameeyay hoggaanka Daalibaan, ayna la shaqeyn doonaan.

“Muhiimaddu waa nolosha iyo badbaadada dhammaan dadka reer Afgaanistaan ​​ujeeddadeenuna waa inaan taas dhisno” ayuu yiri Mr Karzai.

Sidoo kale wuxuu Mr Karzai sheegay in Daalibaan ay u sheegeen inay mas’uuliyiin magacaabeen si ay xoogga u saaraan ka shaqeynta ammaanka magaalada.

Madaxweynihii hore ee Afghaanistaan ayaa rajo ka muujiyay inay hirgasho tallaabada uu qaaday ee ah ka shaqeynta amniga Afghaanistaan gaarahaanna magaalada Kaabul.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post