831 Views

Mucaarad Myanmar oo wacad ku maray inay sii wadi doonaan kacdoonka ka dhanka ah militeriga

Mucaarad   Myanmar  oo wacad ku maray inay  sii wadi doonaan  kacdoonka ka dhanka ah militeriga
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 14  2021

Hogaamiyaha koox ka mid ah siyaasiyiinta Myanmar oo inqilaab militari xukunka looga tuuray ayaa wacad ku maray inuu sii wadi doono “kacaan” ka dhan ah maamulka askarta ee talada dalkaas qabsaday.

Hadalkiisii ugu horreeyey ee dadweynaha uu kula hadlayo ayuu, Mahn Win Khaing, ku yidhi “Waqtigani waa kii ugu mugdiga badnaa ee soo mara qarankaan waana waqtigii qorraxdii u soo baxday ay ka dhacday”

Ninkaan oo dhuumasho ku jira, ayaa hoggaaminaya koox sharci dejiyeyaal ah oo iska diiday in ay aqbalaan inqilaabkii bishii hore dalkaasi dhacay.

Dibadbaxayaal gaaraya 12 qof ayaa lagu so warramayaa in Sabtidii dalkaas lagu dilay.

Dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaan (Burma) ayaa waxaa waddooyinka is qabsaday dibadbaxayaal tan iyo markii militerigu awoodda xoog kula wareegay 1-dii Feberaayo isla markaana ay xabsiga dhigeen Aung San Suu Kyi, o ahayd hoggaamiyaha xisbiga National League for Democracy (NLD).

Xisbiga NLD ayaa si aqlabiyad leh ugu guulaystay doorashadii sannadkii hore dalkaas ka dhacday, hase ahaatee militeriga ayaa sheegay in doorashadaas lagu shubtay.

Xildhibaannadii xisbigaaas ka tirsanaa ee ay u suurto gashay in ay baxsadaan ayaa sameeyey koox mucaarad ah oo uu hoggaamiye ku meel gaar ah ka yahay ninka lagu magacaabo, Mahn Win Khaing.

Kooxdaan oo magacooda loo soo gaabiyo ayaa raadinaya aqoonsi caalami ah oo ah in loo aqoonsado xukuumadda saxda ah ee Myanmar.

Muxuu yiri Mahn Win Khaing Than?

Hadal uu ku qoray Facebook-gga ayuu, Mahn Win Khaing Than, ku yiri: ” Waxaa la joogaa xilligii muwaadiniinteenu ay iska caabbin lahaayeen oo ay u dulqaadan lahaayeen waqtiga mugdiga ah ee ay galeen”.

”Marka meel la iska dhiga waxyaabihii aan horay ugu kala aragtida duwanayn, maanta waxaa laga joogaa markii aan gacmaha isqabsan lahayn oo aan soo afjari lahayn kaligii talisnimada.”

Militareriga Myanmar ayaa kooxdaan CRPH uu arka koox sharci darro ah, ayagoo ka digay in qof kasta oo la shaqeeya oo wajihi doono dacwado la xiriira khiyaano qaran.

Sabtidii, ayaa ugu yaraan 12 qof oo dibadbaxayaal ah lagu dilay Myanmar, sida laga soo xigtay BBC-da laanteeda afka Burmese-ka ku hadasha iyo dad goob joogeyaal ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post