1113 Views

Tanzania oo ka mamnuucday hawadeeda Kenya

____________________________________________________________________________

War ka soo baxday Waaxda socdaalka dalka Tanzania, ayaa lagu sheegay in laga billaabo 1-da bisha Ogoosto laga mamnuucay  hawada dalkaasi in ay isticmaalaan diyaaradaha laga leeyahay dalka Kenya.

Go’aanka Tanzania ay ku mamnuucday duulimaadka Kenya, wuxuu daba socday markii dowladda Kenya ay isla maalintaas ay bisha Ogoosto kowda ahayd  soo saartay liiska dhowr dal oo isugu jira Afrikaan, Yurubiyaan iyo Waqooyiga Ameerika in diyaaradaha dalalkaasi laga leeyaha ay soo caga dhigan karaan Kenya, dalalkaas oo kala ah: Uganda, Rwanda, Namibia, Morocco, Ethiopia Canada, Japan, South Korea, UAE, Qatar, Italy, UK France, Switzerland & USA .

Tanzania ayaa go’aankeedu wuxuu u muuqdaa mid aargudasho ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post