1182 Views

Rooble “ shacabka Muqdisho Waxan leyahay Guryihiina ku soo laabta Ciidamadana Wadooyinka ha u furan dadka soo laabanaya.

Rooble “ shacabka Muqdisho Waxan leyahay Guryihiina ku soo laabta Ciidamadana Wadooyinka ha u furan dadka soo laabanaya.
____________________________________________________________________________

.

 April 28-2021

Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal kooban soo dhigaay Bogiisa ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay ku soo laabtaan guryahooda.

Rooble ayaa ugu baaqay dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay guryahooda inay dib ugu soo laabtaan caasimada, waxa uuna amray in Ciidamamada amaanka ay dadkaas soo laabanaayo ay u furan wadooyinka.

 “Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

 “Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale hadalka Rooble ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan ay degan tahay xaaladda magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ra’iisul wasaaraha uu shaaciyey in la aado doorashooyin xor iyo xalaala.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post