1107 Views

Madaxweynaha Brazil oo sheegay in dadka laga talaalay Covid-19 ay halis ugu jiraan inay qaadan HIV/AIDS

Madaxweynaha  Brazil  oo sheegay in dadka laga talaalay Covid-19 ay halis ugu jiraan inay qaadan HIV/AIDS
____________________________________________________________________________

Sabti: December 4, 2021

 Maxkamadda Sare ee dalka Brazil ayaa furtay baaritaan ku saabsan hadallo been abuur ah ee uu sheegay madaxweyne Bolsonaro kuwaas oo tibaaxaya in dadka laga tallaalay xanuunka Covid-19 ay halis sare ugu jiraan inay qaadaan xanuunka AIDS-ka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu hadalkan yiri isagoo oo tebin toos ah ka waday baraha bulshada, inkastoo markii dambe dambe laga masaxay baraha Facebook, YouTube iyo Instagram iyagoo adeegsanaya siyaasadahooda ka dhanka ah wararka been abuurka ah.

Mr Bolsonaro ayaa had iyo jeer shaki geliya waxtarka tallaalada fayraska koroona.

Waxa uu durba wajahayaa baaritaan gooni ah oo ku saabsan sida uu u maareeyay cudurka faafa ee fayraska koroona.

Intii lagu guda jiray tebinta tooska ah, Mr Bolsonaro wuxuu sheegay in “in dadka si buuxda looga tallaalay Covid-19 ay halis ugu jiraan cudurka (Aid-ka)”

Sheegashada waxaa si adag u diiday saynisyahano iyo khubarada caafimaadka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post