1125 Views

Xildhibaan Dacwo ka ah Taliska Booliska Soomaaliyeed

Xildhibaan Dacwo ka ah Taliska Booliska Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 13, 2019–Xildhibaan Cabdifataax Ismaacil Daahir oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in shalay uu  tegay Xarunta taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loogu saxiixo Ciidamo kamid noqda ilaaladiisa,hayeeshee si xun loola dhaqmay.

 

Waxaa uu sheegay in loo sheegay in Ciidamada uu saxiixi karo kaliya Taliyaha,hayeshee daqiiqado kadib uu ka baxay Albaab kale,markii uu taasi uu ka hadlayna taleefoonkiisii Gacanta laga jebiyey.

 

 

 

Shir Jaraa’id uu Maanta ku qabtay muqdisho ayuu sheegay Xildhibaanka in la siyaasadeeyey Hay’adaha Amniga,isla markaana loo dhiibay dad aan aqoon laheyn,sidaasi daraadeed uu dacwad ka gudbi doono taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay ay jiraan Xildhibaano badan oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan,hayeeshee dhibaatada isaga loo geystay uu horgeyn doono Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment