1008 Views

Boqorka Eswatini oo lagu soo waramayaa inuu isaga baxsadey dalka Swaziland

Boqorka Eswatini oo lagu soo waramayaa inuu isaga baxsadey dalka Swaziland
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Boqorka Eswatini oo lagu magacaabo Mswati III, ayaa lagu soo waramayaa inuu isaga baxsadey dalka Swaziland, iyadoo aan la garaneyn halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Boqorkan ayaa baxsashadiisa waxaa ku qasbay, kadib markii ay dhaceen mudaaharaadyo lagu dalbanayo inuu sameeyo hannaan dimuqraadiyadeed.

Sida laga soo xigtay barta Royal Central, ayey wararku sheegayaan inuu akhbaarta ka bixidda dalkaasi boqorka ay heleen maamulo boqortooyo oo kala duwan, inkastoo wax faah faahin intaas dheer aaney bixinin.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa mudaaraadyo ay sameynayeen waa yadan waxey ku dalbadeen in dalka yeesho hannaanka axsaabta badan ee dimuqraadiyadda, iyo ra’iisal wasaare lasoo doorto.

Madaxda ayaa mamnuucey bannaanbaxyada, kuwaasoo ka kala dhacayey uggu yaraan toban goobood oo katirsan dalkani.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in ciidanka ay toogteen dad shacab ah taasoo mudaaharaadyadii ka dhigtey buuq iyo gacan ka hadal.

Wariye soo tabinayey mudaaharaadyadan lagaga soo horjeedo boqortooyadan ayaa dhaawacmay 26-kii June ee bishan.

Eswatini, waa boqortooyadii uggu danbeysay ee ka jirtey dalalka saxaraha ka hooseeya ee qaarada Africa.

Dalkan ayaa ku yaalla dhanka koonfureed ee qaarada Africa, wuxuuna daris la yahay dalka South Africa.

Boqorka Mswati, ayaa la caleema saarey sanadkii 1986-dii, afar sano kadib dhimashadii aabihii boqor Sobhuza, isagoo noqdey markaa boqorka dunida uggu da yar.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post