750 Views

Mareykanka oo cambaareeyay qorshe lagu afduubtay Saddex boqol oo Arday

Mareykanka oo cambaareeyay qorshe lagu afduubtay Saddex boqol oo Arday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16, 2020 –Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa cambaareysay afduubka in ka badan 300(Saddex boqol) oo arday oo laga afduubtay iskuul ku yaal  waqooyi galbeed ee dalka Nigeria.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: Mareykanku wuxuu si adag u cambaareynayaa afduubkii loo geystay arday joogtay iskuul ay wax ku baranayeen.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dowladda Maraykanku baaritaan ku samayn doonto sheegashada Boko Xaaraam.

Hoggaamiyaha kooxda xagjirka ah ee Boko Xaaraam Abubakar Al-Shikwi ayaa ku sheegay muuqaal uu soo duubay talaadadii inay afduubteen boqolaal arday ah.

kooxda Boko Xaaraam ayaa 2014-kii afduubatay 276 gabdhood oo ku sugnaa iskuul-ki ay wax ka baranaayeen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post