849 Views

Maamulka Puntland oo ka hadlay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo maalin kahor ka dhacay deegaano hoostega degmada isku-shuban ee Gobolka Bari,

Maamulka Puntland oo ka hadlay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo maalin kahor ka dhacay deegaano hoostega degmada isku-shuban ee Gobolka Bari,
____________________________________________________________________________

January 11, 2021

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo maalin kahor ka dhacay deegaano hoostega degmada isku-shuban ee Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Guddoomiyaha degmada isku-shuban Maxamuud Ismaaciil Muuse ayaa sheegay in dagaalka uu dhex-maray beelo hal deegaan wada-dega, isla markaana dagaalkooda uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku qabsaden Ceel-biyood laga qodayo deegaanka.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Maxamuud Ismaaciil in markii horey lagu guul-dareystay in beelaha dagaalamay loo furo wada-hadal lagu xalinayo Ceel biyoodka laga qodayo deegaan hoostega isku-shuban, hayeeshee arrintaas la xalin waayay.

Sidoo kale Guddoomiyaha isku shuban ayaa Carabka ku dhuftay in labada dhinac ay kala dhex-galeen Ciidanka Darawaaiishta Puntland, isla markaana dagaalkii la joojiyay, sidoo kalena ay la kulmi doonaan waxgarabka labada dhinac, si xal looga gaaro Colaada.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray maleeshiyo beeleedka, waxaana ku geeriyooday Afar ruux, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post