834 Views

Maxay tahay sababta Kenya u coleysatay Madaxwayne Farmaajo.?

Maxay tahay sababta Kenya u coleysatay Madaxwayne Farmaajo.?
____________________________________________________________________________

Dowladda Kenya ayaanan qarsan cadaawada ay u qabto Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa, wixii ka dambeeyay joojinta ganacsiga qaadka iyo xakamaynta duulimaadyada aysan dowladda Soomaaliya ka war hayn ee ka soo kicitima Kenya.

Dowladda Madaxwayne MC Farmaajo ayaa qaadatay istaraatiijiyad siyaasadeed ka duwan dowladihii ka horreeyey, waxaanna guulihii ugu horreeyay ee ay ku tillaabsatay ka mid ahaa in dowladdu hagto maamulka hawada, waxayna taasi keentay in duulmiyaadyadii ganacsiga u badnaa ee Soomaaliya kaga imaanayay dhanka Kenya inuu hakad ku yimaado.

Todobaadyadii u dambeeyay warbaahinta Kenya waxay si wayn u qaadaa-dhigaysay, iyada oo soo xiganaysa aqoonyahanno dalkeeda ah, in ay ka shaqaynayaan in mar kale aan la soo dooran Madaxwayne Farmaajo, iyaga oo kaashanaya saaxiibo ay ku leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliya, ayna ku bixinayaan qorshaasi dhaqaale aan xadi lahayn.

Aqoonyanadan, waxay ku doodayaan in Dowladda Farmaajo  ay cunaqabatayn  iyo culeys-ba ku hayso ganacsiga Kenya, gaar ahaan ganacsiga qaadka, oo ku xirnaa nolosha boqolaal kun oo Kenyaan ah.

Shuruudaha dowladda Soomaaliya ay ku xirtay dib u furista qaadka  waxaa ka mid ah, in dhaqaalaha malaayiinta ah ee ganacsatada Soomaalidu ku iibsadaan qaadka, aysan toos u aadin Kenya, ee qaybo ka mid ah badeecooyin lagaga iibsado Soomaaliya, si dhaqaalahaasi dadka Soomaalida ah kaga wada manaafacaadsadaan.

Ku dhowaad 30-kii sanno ee Soomaaliya ay ku jirtay jahwareerka siyaasadeed iyo tan amni, inkastoo Kenya ay albaabadeeda u furtay Soomaalida, haddana waxay qayb ka ahayd dalalka xagal-daacinta ku haya in Soomaaliya soo ceshato Qaranimadeeda, waxaanna taasi marqaati ka ah, hadalkii caanka noqday ee uu yiri Madaxwaynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi, ee ahaa in dalalka deriska la ah Soomaaliya, oo ay Kenya ku jirto aysan marnaba doonayn Qaran Soomaaliyeed oo xoog leh inuu soo laabto, sababtuna ay tahay in ay sheegan doonaan dhulalka ay Soomaaliya ka haystaan dalalka deriska.

Guulaha siyaasadeed ee lagu xasuusan doona Madaxwayne MC Farmaajo waxaa ka mid ah, nuu soo celiyay wax xoogaa qiyamkii iyo sharaftii Qaranka Soomaaliya, meeshana ka saaray in wadamada dariska ay Soomaaliya daadufeeyaan, waxaanna meesha ka baxday siyaasadii ducfiga ahayd ee lagula dhaqmayey Soomaaliya, iyada oo Kenya & Soomaaliya ay iminka u wada dhaqmayaan sida 2 dowladood oo deris ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post