1116 Views

Sawiro:- Barakac ka dhashay fatahaad uu sameeyey Wabiga Jubba

Sawiro:- Barakac ka dhashay fatahaad uu sameeyey Wabiga Jubba
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 28- 2020–Wabiga Jubba ee mara degmada Baardheere ee Gobolka Gedo saacadihii la soo dhaafay waxaa uu sameeyey fatahaado horleh oo saameyn ku yeeshay qoysaska danta yar.

 

In ka badan 5600 oo qoys oo noloshooda ay ku tiirsaneed wax soo saarka beeraha ayaa waxaa saameyay fatahaad uu webiga Jubba sameeyey,iyaga oo ku waayay dalagyo farabadan oo ay beerteen.

 

 

 

Dalagyada fatahaada ku baabi’ay ayaa waxaa kamid ah Mooska, Bocorka,Cambaha,liinta,Yaanyo, Basal, Bataati, Basbaas, Qare, Digir,Galley iyo Sisin oo ay beeraleyda abuurteen bilihii febarury iyo Marso ee sanadkan ,ayna Qorsheynayeen inay goostaan bisha Ramadaan.

 

Sidoo kale Boqolaal kamid ahaa Shacabka ku nool degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga ayaa ka barakacay,iyaga oo ka cabsi qabay in waxyeelo ay kasoo gaarto fatahaada uu sameynayo Wabiga Jubba.

 

Cabsi la xiriirta fatahaada Wabiyada ayaa waxaa ay sidoo kale ka taagan tahay Magaalooyinka Jowhar,Balcad iyo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment