441 Views

R/wasaare Xamse oo maanta si rasmi ah kulamo ka bilaabay xafiiskiisa

____________________________________________________________________________

Arbaco: June 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay, ayaa kulammo la yeeshay maamulka, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaannada tiirarka mudnaanta u leh qorshaha XFS.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa mas’uuliiyiinta Xafiiska ee uu kulammada la qaatay uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan shaqadooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha iyo waaxyaha kala duwan ee Xafiiska isagoo warbixinno ka dhageystay agaasimeyaasha iyo howl-wadeennada qaarkood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post