882 Views

Khasaare xooggan oo ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Khasaare xooggan oo ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 28-2019 | —TIsbitaallda Magaalada Muqdisho ayaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyo fara badan oo waxyeelo ay soo gaartay Qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool Afgooye.

 

Ku dhawaad 15 ruux oo Meyd ah ayaa laga soo qaaday goobta uu Qaraxu ka dhacay sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Booliska.

 

 

 

Dadka ay waxyeelado soo gaartay waxaa ka mid ah Arday Bas saarneyd oo kusii jeeday mid ka mid ah Jaamacaddaha Muqdisho oo dhaawac iyo dhimasho noqday iyo Enjineero Ajnabi.

 

Askar ku sugneyd goob lagu qaado Canshuuraha ayaa sidoo kale kamid ah dadka ku dhintay Qaraxa.

 

Bur bur xooggan ayuu sidoo kale gaarsiiyay Qaraxa Isgoyska iyo Xaafaddaha ka agdhow.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ma xaqiijin tiradda rasmiga ah ee ay waxyeelado soo gaartay, waxaana wali socda dadaallo lagula tacaalaayo dhibaatadda ka dhacday goobta.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment