231 Views

Canada oo ku dhawaaqday inay qaadanayso dad gaaraya nus Milyan qof oo soo galooti ah

Canada oo ku dhawaaqday inay qaadanayso dad gaaraya nus Milyan qof oo soo galooti ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 2, 2022

Dawladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay sannad walba qaadanayso dad gaaraya nus Milyan qof oo soo galooti ah, ilaa inta laga gaarayo 2025ka. 

Wasiirka Socdaalka ee Canada Sean Fraser ayaa sheegay in uu dalkiisu wajahayo shaqaale la’aantii ugu badnayd. Taa darteedna ay dawladdu diyaarisay qorshe sannad walba lagu qaabilayo dad tiradoodu dhan tahay 500, 000 oo ruux, Kuwaas oo heli doona degannaansho iyo qaabilaad sare. 

Wershadaha dalkaas ku yaalla ayaa ka cabanaya shaqaale la’aan xadhkaha goosatay, iyada oo dalka ay ka taagan tahay baahi shaqaale oo gaadhaysa 1 Milyan oo shaqo. 

Canada ayaa ah meelaha ugu badan ee ay ka jiraan furdasaha shaqo, isla markaana ay nolol wanaagsan ka helaan dadka Qaxoontiga ah ee shaqo raadiska ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post