495 Views

Agaasimaha Wakaaladda SONNA oo kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Midowga Wakaaladaha Islaamka

Agaasimaha Wakaaladda SONNA oo kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Midowga Wakaaladaha Islaamka
____________________________________________________________________________

Talaado: February 1, 2022

Agaasimaha Waakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONN Mudane Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orange) ayaa maanta oo talaado ah kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Wakaaladaha Wararka ee Ururka Iskaashiga Islaamka Maxamed Cabdrabuh. Al Yami.

Kulanka oo ka qabsoomay Aaladda fogaan aragga ayaa waxaa lagu soo bandhigay sharaxaad ku saabsan hiigsiga ururka ee sanadaha soo socda, kaas oo ku qotoma doorka ururka oo ah madal Warbaahineed oo weyn oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah ururka iyo horumarinta mihnadda warbaahineed ee ku salaysan Diinta Islaamka iyo warbaahinta oo dhiiragalineysa hufnaanta, kalsoonida iyo dulqaadka.

Kulanka intii u socday waxaa dib u eegis lagu sameeyey doorka UNA ee ku aaddan siinta tallooyinka istaraatiijiga ah ee Warbaahinta wadamada xubnaha ka ah. iyadoo loo marayo wakiilo ka socda Wakaaladaha Wararka Qaranka. Sido kale waxaa la soo bandhigay tiro koorsooyin ah oo la qabanayo waqtiyada soo aadan.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa bogaadiyay doorka UNA ee xoojinta xiriirka Warbaahinta ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo xoojinta xiriirka xirfadeed ee ka dhexeeya shaqaalaha warbaahinta, isagoo dhinaca kale bogaadiyay hiigsiga iyo barnaamijka shaqo ee Ururka. Agaasimaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dalkiisa uu garab taagan yahay midowga iyo sida ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed u daneyneyso ka mira dhalinta barnaamijyada “UNA” iyo xoojinta doorka ay ku leedahay horumarinta wakaaladaha xubnaha ka ah iyo is-weydaarsiga wararka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post