867 Views

Gobolka Banaadir oo dadaal ugu jira helida 13 Senator

Gobolka Banaadir oo dadaal ugu jira helida 13 Senator
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 1, |  2020—Guddomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamanka Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa si wada jir ah ula kulmay Guddomiyaha Gobalka Benadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamud (Cumar Filish).

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka codsaday xildhibaanada Aqal sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha 13 Mudane ee Aqalka Sare laga siiyay gobolka Banaadir.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in loo baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo helitaanka xuquuqda caasimada.

Kulanka ayaa waxay uga wada hadleen arimo ku saabsan Matalaadda Gobalka Banaadir ee Aqalka Sare, kaasi oo jawi is afgarad ah ku soo dhamaaday.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post