870 Views

hir u socdo xubno ka tirsan dowladda iyo Dowlad Goboleedyada

hir u socdo xubno ka tirsan dowladda iyo Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2019–Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa Maalintii labaad ka socda  Shir u dhaxeeya Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Heer Federaal iyo kuwa Dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo Xubno kale.

 

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa hindise Sharciyeedka dhismaha Shirkadaha Ganacsi ee dalka.

 

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasiirka ganacsiga Soomaaliya,Guddiga Maaliyadda & Ganacsiga ee Aqalka Sare, Sanoter Cabdiraxmaan Faroole, iyo wasiirada ganacsiga Dowlad goboleedyada ka jira dalka.

 

Shirka ayaa qorshihiisu waxaa uu yahay in wadatashi la geliyo hindise Sharciyeedka Shirkadaha si loogu gudbiyo Aqalka Sare si ay uga doodaan,isla markaana u ansixiyaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment