1134 Views

Itoobiya oo sameysaneysa lacag cusub

Itoobiya oo sameysaneysa lacag cusub
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 14 2020—Itoobiya ayaa soo saareysa lacag cusub, tan oo Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku sheegay in wax looga qabanayo howlaha sharci darrada ah iyo musuqmaasuqa.

Naqshadda cusub ee lacagaha 10, 50 iyo 100 Birr ayaa la sameeyay waxaana sidoo kale la soos aari doonaa baalweynta 200 oo cusub.

Mr Abiy ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo wadaagay lacagaha cusub. Wuxuu sheegay in la adkeeyay ammaanka si loola dagaallamo in la soo saaro kuwo kale oo been abuur ah.

Dhanka kale lacagtan cusub ayaa la sheegay in ay yaraynayso dhaq dhaqaaqyada ganacsiga sharci darrada ah, musuqa iyo hawlaha koontarabaanka, iyada oo

haya’daha maaliyada kacaawin doonta inay u adkaystaan lacag yarida soo food saari karta.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post