132 Views

Qomiyadda Amxaarada oo ka hor timid damaca qalafsan ee Abiy Axmed

Qomiyadda Amxaarada oo ka hor timid damaca qalafsan ee Abiy Axmed
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Shacabka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abiya Axmed ee ku wajahan dhulka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah shacabka Amxaarada dalka Itoobiya oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Buxi ayaa ku tilmaameen inuu ahaa mid qar iskatuurka islamarkaana aan laga fiirsan.

Waxay sheegayn Shacabka Amxaarada in shacabka Soomaaliyeed ay ku garabtaagan yihiin in ay ilaashadaan midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qomiyadda Amxaarada oo soo saaray bayaan kooban ayey Dowladooda ugu baaqeyn inay lama taabtaan tahay Ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgalyada iyo hormarka labada dal.

Ugu dembayntii Qowmiyadda Amxaarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo madxda dowladiisa u soo jeediyey in ay ka fogaandaan wax waliba oo dhawaaci kara, darisnimada sida faragalinta dal madaxbanaan.

Hadalkaan ka soo yeeray Qomiyadda Amxaarada ayaa ku soo aadaya xilli Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeenin, iyada oo 70% maamulka Amxaarada uu gacanta ugu jira Qomiyadda kuwaas oo iska diiday hoggaamin xumadiisa ee uu ku hayo dadkiisa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post