303 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyed ee dalka Nethetland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyed ee dalka Nethetland
____________________________________________________________________________

arbaco: OCTOBER 12, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka  BJFS, islamaarkaana ku sugan dalka Netherlands ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi oo uu hormuud u yahay Amb. Yuunis Yaasiin Xaashi oo ah  Safiirka Soomaaliya Benelux iyo Midowga Yurub.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Netherland ayaa Guddoomiyaha  Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyey magalada The Hague  ee Netherland  iyagoona uga warbixiyey nolosha dalkan  iyo xaaladaha guud ay ku sugan yihiin.

Gabagabada kulanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada The Hague ugu warbixiyay safarkiisa iyo xaalada guud ee dalka isla markaana u sheegay in dalka uu ka socdo kacdoon dadweyne oo lagu cirib tiraayo Kooxda Al Shabaab, sidoo kale waxaa uu xusay in dalka ay ka jirto abaaro ba’an oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayuu  Guddoomiyaha Jaaliyada reer Netherland uga baaqay in kaalin mug leh ay ka qaataan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post