456 Views

Wasaaradda Gaadiidka oo sheegtay in howlihii garoonka uusan hakad gelin

Wasaaradda Gaadiidka oo sheegtay in howlihii garoonka uusan hakad gelin
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 20, 2021

Wasaaraddda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa xaqiijisay in dhacdadii maanta ka dhacday meel u dhaw Garoonka Aadan Cabdulle aysan wax saameen ah ku yeelan howl maalmeedka Garoonka, waxaana si habsami leh u socda howlaha Garoonka ee maalinlaha ahaa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka ayaa lagu sheegay in falkii maanta ka dhacay meel u dhow garoonka uusan saameyn ku yeelan shaqadii ka socotay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayna sii socon doonto howlaha garoonka.

Ciidamada Ammaanka ayaa toogtay labo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo falal lagu qalqalgelinayo Nabadgelyada ka geystay meel u dhaw garoonka, kaasi oo ugu dambeyn la soo afjaray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post