684 Views

Weriye caan ahaa, Hooyadiis iyo Walaashiis oo mar kaliya ku geeriyooday shil ka dhacay Nugaal

Weriye caan ahaa, Hooyadiis iyo Walaashiis oo mar kaliya  ku geeriyooday shil ka dhacay Nugaal
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Weriye Nuur Jaamac Aadan oo ahaa samafale si weyn looga yaqiinay deegaanada Puntland iyo labo qof oo qoyskiisa ah ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta uu dhaxaysa magaalooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Weriye Nuur Jaamac waxaa la geeriyooday hooyadiis iyo walaashiis, kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo mid kuwa xamuulka qaada ahaa, halka kan kale uu ahaa gaadiidka yaryar ee raaxada, waxuuna shilkaasi ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal.

Meydka seddaxda marxuum ayaa la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Garowe, maanta ayaana la aasayaa sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehellada dadkaan.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post