1044 Views

Barakac ka bilaawday xaafado ka tirsan Baladweyne

Barakac ka bilaawday xaafado ka tirsan Baladweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 8, 2019 | QOL |   – Wararka laga helayo Magaalada Baladwyene ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Xaafado ka tirsan Magaaladaas dad ku nool ay bilaabeen inay  barakacaan,kadib  fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

 

Wabiga Shabeelle ayaa markale bilaabey in uu ka fatahao Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne gaar ahaan  Xaafada Kooshin,waxaana saakay Waaberigii hore roob xoogan uu ka da’ay Magaalada Baladweyne.

 

Dad ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Wabiga uu keenay Biyo farabadan taas oo keentay in Wabiga qeybo kamid ah Xaafadaha Baladweyne uu ku fataho,waxaana dad dhawaan dib ugu soo laabtay ay bilaabeen inay barakacaan.

 

Dad horay uga barakacay Baladweyne ayaa weli waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Baladweyne,kuwaas oo aan xaafadahooda dib ugu soo laaban casbi ay ka qabaan in markale Wabiga uu ka fataho Baladweyne.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment