4914 Views

Baaritaan lagu hayo dilalka AMISOM ee shacabka

Baaritaan lagu hayo dilalka AMISOM ee shacabka
____________________________________________________________________________

Ogoosto 14, 2015 — Hay’adda u Doodda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Ciidamada Midawga Afrika ee Somalia [AMISOM] inay baaraan dilka lagu eedeeyey ciidanka Uganda ee AMISOM ka tirsan ee ku sugan degmada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

AMISOM_Somalia

Ciidamada Uganda ee ka Tirsan Howlgalka AMISOM ee ku Sugan Degmada Marka ayaa lagu eedeeyay inay 31-kii Bishii hore ee July ay dileen Lix ruux oo isku qoys ka soo jeeda guri ay xaflad aroos ka socotay oo ku yaalla Degmada Marka. Sidoo kale, HRW ayaa dalbatay in baaritaanka la sameeyo iyadoo la dhowrayo Ammaanka dadkii rayidka ahaa ee Goob-joogga u ahaa dhacdadan, waxayna sidoo kale hay’addu wey-diisatay dowladda Uganda inay askari kasta oo lagu helo inuu mas’uul ka ahaa weerarka ay cadaaladda hor-geyso.

Goobjoogayaal ayaa HRW u sheegay in markii Qarax lagu weeraray Ciidamada AMISOM ay ciidamadu galeen xaafado ku yaalla degmada, ayna galeen Guriga Reer Macallin Iideey oo ay ka Socotay Xaflad Aroos ay Ciidamadu kala Saareen Raggii iyo Haweenkii ayna isla goobta ku toogteen lix qof kuwaasoo kala ahaa; Afar Wiil oo walaalo ahaa, Aabbahood iyo Adeerkood.

Afar ka mid ah Dadkan la Toogtay ayaa markiiba goobta ku geeriyooday, iyadoo wiil kale oo ku Dhuuntay Sariir hoosteen uu Goor-dambe Geeriyooday, Halka Aabbihii Qoysaas uu isna geeriyooday habeennimadii, kaddib markii ciidamada AMISOM ay diideen in Isbitaal loo qaado. “Ciidanka AMISOM ee Somalia ku sugan waxay Wajahayaan Xaalado adag, balse waxaa looga baahan yahay inay ilaaliyaan sharciyada caalamiga ah ee dagaallada,” ayay tiri Maria Burnett oo ah Sarkaalad Baarista Afrika u Qaabilsan HRW, iyadoo intaa raacisay.

“Dilalka rayidka ku sugan xaflad Aroos & Goobo kale oo la mid ah loo Geysanayo si loogu ciqaabo Kooxaha inta badan Weerarada Qaraxyada ah Geysanaya waxay sii Adkeynaysaa Howlada Nabad-ilaalinta ah ee AMISOM u joogto Soomaaliya.” Ruux ka mid ah Qoyskii dadka laga dilay ayaa isaguna yiri. “Ciidamada AMISOM waxay soo galeen Gurigeenna, Waxayna baareen qol walba, waxayna na weydiiyeen su’aalo ah in xubno Al-shabaab ah ay soo galeen guriga, markii aan u sheegnay inaysan soo gelin, ayay Saraakiishii Ciidamadaan watay tashadeen, waxayna go’aan ku gaareen in ay dilaan Afrar wiil oo Walaalo aan ahayn Aabbahay iyo Adeekey,” ayuu yiri wiil ka mid ah Qoyska laga dilay dadkaan shacabka ah.

Taliska Ciidamada AMISOM oo eedeymahan loo soo jeediyay ka Jawaabayay ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen 04-tii bishan ayaa ku sheegeen in gaadiid sahay u waday oo marayay bartamaha Magaalada Marko ay weerar ku Qaadeen Koox ka tirsan Al-shabaab, Ciidamadooduna ay Jawaab ka bixiyeen iyagoo is-dicaafaha.

Waxay kaloo AMISOM War-saxaafadeedkeeda ku sheegtay inay eedeymahan ku saabsan in Ciidamadoodu ay dad shacab ah toogasho ku dileen, iyagoo u yeeray sarkaalka madaxda u ah Ciidamadooda ku sugan Marko si ay su’aalo uga weydiiso falkaas. Dhanka kale, Hay’adaha HRW ayaa waxay warbixinteeda ku xustay in ciidanka AMISOM loo soo jeediyay eedo ay ka mid yihiin in Goobjoogayaal ay u sheegeen Hay’adda HRW in Ciidammo ka tirsan AMISOM ay Toogasho ku dileen 21-kii July, 2015-ka, illaa 11-qof oo Shacab ah, kuwaas oo lagu kala Dilay Xaafado ka tirsan Marko oo kala ah; Jajuuma, Aw-balle iyo Ruusiya.

Ugu dambeyn, Taliska AMISOM ayaa iska fogeysay inay ciidamadoodu dileen dad shacab ah, laakiin waxay sheegeen inay laayeen shan ruux oo ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen inay Weerareen Ciidamadooda ku sugan Magaalada Marka.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment