1308 Views

Falastiin oo sheegtay in duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen xero qaxooti oo ku taal Gaza

Falastiin oo  sheegtay in duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen xero qaxooti oo ku taal Gaza
____________________________________________________________________________

May 15 2021

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen xero qaxooti oo ku taal Gaza ay ku dhinteen ugu yaraan todobo qof.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in dadka dhintay ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah oo ku sugnaa xerada Al-Shati ee waqooyiga magaalada Gaza.

Xooggaga Falastiiniyiinta oo ka fal-celiyay duqeynta ayaa gantaallo ku ganay magaalada Beershiiba ee Israa’iil.

Ku dhawaad 140 qof ayaa ku dhintay Gaza tan iyo markii ay colaaddu billaabatay Isniintii. Gantaallada Falastiiniyiinta ayaa gudaha Israa’iil ku dilay 8 qof.

Colaadda Gaza ayaa dhalisay in rabshadaha ay ku fidaan deegaannada ay Israa’iil haysato ee Daanta Galbeed, halkaas oo ay isku faro-saareen Falastiiniyiinta iyo xooggaga ammaanka ee Israa’iil.

Ugu yaraan 10 qof Falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen rabshadaha Daanta Galbeed, halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Xooggaga ammaanka ee Israa’iil ayaa dibedbaxayaasha u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, rasaasta cinjirka ah iyo xabbado nool, halka Falastiiniyiintana ay tuurayeen bambooyinka betroolka laga sameeyo.

Xiisadda halkaa ka taagan ayaa lagu tilmaamay tii ugu xumayd ee gobolka soo marta muddo sanado ah.

Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in qiyaastii 10,000 oo Falastiiniyiin ah ay ka barakaceen guryahooda Gaza colaadda awgeed.

Dagaal Sokeeye

Rabshadaha ayaa sidoo kale ku fiday gudaha Israa’iil iyadoo ay gacmaha isula tageen kooxo Yuhuud ah iyo kuwo Carabta Israa’iil ah, waxaana arintaa ay dhalisay in madaxweyne Reuven Rivlin uu ka digo in rabshadaha ay horseedi karaan dagaal sokeeye.

Wasiirka gaashaandhigga Benny Gantz ayaa amray in booliska ay wax ka qabtaan rabshadaha gudaha, waxaana xabsiyada loo taxaabay in ka badan 400 oo qof.

Booliska ayaa sheegay in Carabta Israa’iil ay ka dambeeyeen inta badan rabshadaha, waxaana ay iska fogeeyeen eed ah in aanay waxba ka qaban dhalinyarada Yuhuudda ah ee bartilmaameedsada guryaha Carabta.

Duulaanka Gaza

 

Falastiiniyiin ka cabsi qaba in milateriga Israa’iil ay gudaha u galaan Gaza ayaa ka barakacay deegaannada u dhaw xuduudda. Dad ka qaxay deegaanka Shujaaciyah ayaa sheegay in madaafiicda Israa’iil ay ku soo dhaceen guryahooda.

“Waxaan dareennay sida in aan daawaneyno filim horror ah,” ayay tiri Salwa Al-Cataar oo qoyskeeda kala baxsatay duqeynta. “Waxaa na dulmarayay diyaaradaha dagaalka, halka ay na duqeynayeen taangiyada iyo maraakiibta dagaalka, ma aanan dhaqaaqi karin, waxaana barooranay carruurta iyo dumarka.” Ayay sheegtay Salwa.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Jimcihii sheegay in hawlgalka milateri ee ka dhanka ah xooggaga Falastiiniyiinta uu socon doono “ilaa inta la doono”.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay “cashar xanuun badan” u dhigaan milateriga Israa’iil, waa haddii uu gudaha u galo Gaza.

Milateriga Israa’iil ayaa Khamiistii u yeeray 7,000 oo kamid ah askartiisa keydka ah, waxaana uu ciidamo iyo taangiyo ku daabulay xuduudda Gaza. Saraakiisha milateriga ayaa sheegay in uu jiro qorshe ay gudaha ugu galayaan Gaza balse aan weli go’aan laga gaarin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda. Waxaa sidoo kale baaq noocaas ah diray dalal uu kamid yahay Maraykanka, balse ma jirto wax xabbad joojin ah oo ilaa hadda la gaaray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post