1083 Views

.Maamulka G/Hiiraan oo War kasoo saaray gurmadka fatahaadaha

.Maamulka G/Hiiraan oo War kasoo saaray gurmadka fatahaadaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 06, 2019––Weli waxaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka maqan dadkii ka barakacay fatahaadaha Wabiga, iyada oo sidoo kale ay jiraan kuwa ku dhibaateysan deegaano hoostaga Magaalada Baladweyne.

 

Shirkado Ganacsi iyo Madaxda Dowladda, kuwa maamul Goboleedyada iyo qaar kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa dadka ka barakacay fatahaadaha gurmad u sameynaya.

 

 

 

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sheegay in qeybinta deeqaha dadka loogu talo galay loo kala qeybiyey Saddex qeyb oo kala ah  deeqo dhinaca Maamulka soo gaaray,kuwa shirkadaha Ganacsi laga helay iyo kuwo dhinaca Dowladda ka yimid.

 

Waxaa uu sheegay in bixinta deeqaha kala duwan ee dadka loogu talo galay ay si wanaagsan u socdaan,hayeeshee Shirkadaha Ganacsi ay ka maamul ahaan u madax baneeyeen qeybinta deeqaha ay dadka barakacay ugu talo galeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment